Kenya oo war ka soo saartay Dib-u celinta Qaxootiga Somalida ah

Bacaadweyn, Maarso 10, 2016 (Daljir) —Dawlada Kenya ayaa sheegtay in ay jiraan dad ayagu siyaasadeynaya dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma ee dalka Kenya.
 
Dawlada Kenya ayaa eedeysay hayado aan dawli ahayn oo ay sheegtay inay siyaasadeynayaan arinkaa.Waxay khaasatan dawlada Kenya farta ku goday in ay walcinayaan hayadahaasi qaabka dib u celinta qaxootigaas.
 
Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Nkaissery ayaa shalayto mar uu ka hadlayay shir jaraaid sheegay in qaxootigu ay doonayaan inay dib dalkoodii Soomaaliya ugu laabtaan balse ay jiraan ururo arintaa ka soo horjeeda oo ka biyo diidsan.
 
“Ururada aan dawliga ahayn ma danaynayaan arintaa maadaama ay lacag badan qaxootiga ku qaataan” ayuu yiri wasiirku.  Sidoo kale wuxuu Nkaissery sheegay in dawlada Jubaland ay u qoondeysay dhul dhan 1000 hektar xero qaxooti oo la damacsan yahay in laga dhiso gudaha Soomaaliya oo dadkaasi dib loogu celin karo.
 
Xerada Dhadhaab ayaa ah xerada qaxootiga ee caalamka ugu weyn waxaana ku nool qiyaas ahaan nus milyan qaxooti ah oo Soomaali u badan.
 
Wuxuu sidoo kale sheegay wasiirku in QM iyo hayado kale ay u meel dhigeen dhismaha xerada qaxootiga ee la damacsan yahay in laga dhiso Jubaland adduun lacageed oo dhan 10.5 milyan oo shilinka Kenya ah ayadoo xeradaas sidoo kale laga dhisi doono iskoolo, xarumo caafimaad iyo garoon diyaaradeed.
 
Wasiirku markaa uu sidaa lahaa wuxuu ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo lagu magacaabo Maxamed Diiriye kana soo jeeda dagmada Koofurta Wajeer ama Wajir South isla markaana ka tirsan Maamulka Baarlamaanka Kenya iyo Guddiga Amniga Qaranka ee Kenya.
 
Si kastaba, shirka jaraaid oo uu ku qabtay City Hall ama xarunta shirarka ee dawlada Hoose ee Nairobi shalay ayaa wasiir Nkaissery uu ka gaabsaday inuu carrabaabo magacyada hayadaha aan dawliga ahayn ee dib u celinta qaxootiga kasoo horjeeda.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com