Kenya oo sheegtay in weerarkii Mandera gudaha laga abaabulay

Sababta arrintaasi ayaa lagu tilmaamay inay tahay in madaxweynaha uu taageero u muujinayo ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkii xalay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ka tacsiyeynaayo dhacdadaasi.

“Qofkastoo Kenyan ah oo niyadsan, Muslim ama Masiixi ah, wuu og yahay in qof aan waxba galabsan la dilo inay qalad tahay. Shacabka Kenya ma ogolaanayaan in diimo loo kala qeybiyo, taas oo argagixisada ay doonayaan”, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay madaxtooyada Kenya.

Dhanka kale, iskuduwaha arrimaha amniga gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Maxamud Salax ayaa diiday in Alshabaab ay ka dambeysay weerarkii xalay lagu qaaday Mandera.

Maxamud Salax oo xafiiskiisa Garissa warbaahinta kula hadlay ayaa wuxuu sheegay in weerka ay ka dambeeyeen “burcad deegaanka Mandera ka soo jeeda”.

Iskuduwaha arrimaha amniga ee gobolka ayaa sidoo kale tilmaamay in “xuduudda ay xiran tahay lixda maqribnimo illaa aroortii, aysanna suuragal ahayn inay kooxo hubeysan kasoo gudbaan”.

Wuxuu intaasi ku dharay, “Hadda way cadahay in shacabka Mandera aysan la shaqeyneyn laamaha amniga oo aysan keeneyn warar sugan oo keeni kara in dableyda la xiro”.

Kooxda Islaamiyiinta Al Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambaysay weerarkaasi xalay lagu qaaday huteel ku yaalla magaalada Mandera ee waqooyi beri Kenya.

Weerarkaasi waxaa ku dhimatay 12 qof. Website xiriir la leh kooxda Shabaab ayaa sheegay in bartilmaameedku ahaa dadka Masiixiga ah ee aan ka soo jeedin deegaankaasi.

Xigasho BBC

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com