Kenya oo sheegtay in uu dib u dhac ku yimid shirkii Madaxda Soomaaliya,Kenya iyo Ethiopia

Dowlada Kenya ayaa ku dhowaaqday in uu dib u dhac ku yimid shir hore loo qorsheeyay inay isugu yimaadaan madaxda dalalka Soomaaliya,Kenya iyo Ethiopia 16ka bishan aynu ku jirno.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Kenya ayaa lagu shaaciyay in shirkaasi uu dib u dhac ku yimid,balse si rasmi ah uma sheegin wasaaradu sababta keentay dib u dhacan.

Hase yeeshee, Wasaarada Arrimaha Dibbada Kenya ayaa sheegtay in duruufo aan laga fursan Karin awgeed uu dib u dhacan ku yimid.

Balse si rasmi ah looguma sheegin qoraalka xilliga uu dhacayo kulankan. Si kasta ha ahaatee waxaa dowlada Kenya ay maanta shaacisay in bukaan qaba cudurka Coronovirus lagu arkay dalka Kenya waxayna dowladu bilowday in ay ka hortagto fiditaanka cudurkan.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Kenya;


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com