Kenya oo sheegtay in Meleteriga KDF ee Kismaayo aysan qeyb ka noqon dagaaladii halkaas ka dhacay.

Nairobi, 1, July 2013- Dowlada Kenya ayaa si cad u beenisay in ay Meleterigeeda jooga Soomaaliya gaar ahaan jubbooyinka ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay magaalada xeebta ee Kismaayo saddexdii maalmood la soo dhaafay, warkan ayaa yimi maalin kadib markii Dowlada Soomaaliya ?ay dalbatay in la bedelo howgalka AMISOM jubbooyinka.

Gen Julius Karangi? oo ah madaxa ciidanka meleteriga ee ?dalka Kenya ayaa si cad u sheegay in aysan dhinac la safan markii dagaaladu ay ka qarxeen gobollada Kismaayo horaantii toddobaadka, wuxuu intaasi ku daray in qorashaha ay u joogaan Soomaaliya u yahay nabad ilaalin.

? AMISOM waxay u joogtaa Soomaaliya, KDF waa AMISOM ?waa dhex dhexaad oo iyaguna Soomaaliya waxay u joogaan howlgal nabad ilaalin, waan ka xunahay eedeynta been abuurka ah ?ee loo jeediyey Meleteriga KDF ee Kismaayo jooga, waxaan xaqiijinaynaa in aan howgalkayaga wadano oo aanan dhinac la safan? ayuu yiri Gen. Karanga.

Wasaarada warfaafinta boostaga iyo isgaarsiinta ee Soomaaliya ayaa shalayto gelinkii dambe shaaca ka qaaday in ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo ay la jir sadeen dhinac ka mid ah kuwii isku hayey magaalada, warkaas ayaa soo baxay saacado kadib markii ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada ciidamada Jubbaland.

Madaxa ciidanka Meleteriga ee Kenya Gen. Julius Karangi wuxuu bishii hore sheegay in magaalada Kismaayo ay ka jirto xaalad adag oo ku dhisan awood dhinacyo is diidan ah, taas bedelkeeda wuxuu sheegay in uu rajaynayo in ay arintaasi dhamaan doonto oo xal laga gaarayo, wakhtigaas waxaa jiray tuhun noocaan oo kale oo ay qabtay Dowlada Soomaaliya.

Puntland ayaa si kulul u dhaleecaysay xalayto hadalka ka soo yeeray Dowlada Soomaaliya ee lagu sheegayey in ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo ay la jirsadeen? dhinac, ?Gen. Cabdisamad Cali shire Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu sheegay in ay tahay eedeyntaasi wax laga xumaado isla markaasna ciidanka Kenya ay Jubbooyinka u joogaan howlgal nabad ilaalin ah Oo buuxa.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com