Kenya oo sheegtay in ay balaarin doonto duqaynta cirka ee ay ka fuliso xaruumaha Al-shabaab

Kismaayo, November 1, 2013? – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay duqaysay gelinkii dambe ee khamiistii shalay xaruun ay ku tababartaan ururka Al-shabaab oo ku taala Jubba hoose, weerarkaas ayey Kenya sheegtay in ay ku dishay rag badan oo ka tirsan Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay meleteriga dalka Kenya ayaa sheegay in halka ay duqeeyeen ay tahay goob in ay badan ku raad-joogeen, isagoo sheegay in halkaas tababar uga socday in ka badan 300 oo ka tirsan Al-shabaab, Kenya waxaa ay xustay in aysan hayn tiro rasmi ah balse ay dhinteen inta badan xubnaha xerrada joogay.

Wakaalada wararka Reuters ayaa soo xigatay saraakiisha Kenya, Afhayeenka u hadlay meleteriga Kenya waxaa uu iclaamiyey in ay sii wadi doonaan duqaynta ay ka geysanayaan meelaha ay joogaan Al-shabaab ee Soomaaliya, iyagoo u aargudaya dadkii lagu laayey Westgate mall ee Nairobi.

Docda kale ururka Al-shabaab ayaa si cad u beeniyey in ay Kenya duqaysay xero tababar oo ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Afhayeen aan isna magaciisa la shaacin oo u hadlay Al-shabaab, waxaa uu sheegay in ay weerareen xaruun ay ciidanka Kenya ku leeyihiin deegaanka Badhaadhe ee Jubbada hoose.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com