Kenya oo Shaacisay xilliga Soomaaliya ay Fasaxeyso Jaadka

Kenya oo Shaacisay xilliga Soomaaliya ay Fasaxeyso Jaadka

Dowladda Kenya ayaa shaacisay xog ku saabsan xilliga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay fasaxeyso qaadka ( jaadkiikii) kenya ay usoo dhoofsan jirtay dalka Soomaaliya, kaas oo ay joojisay dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Beeraha dalka Kenya Peter Munya ayaa sheegay in in 5-ta bisha soo socota ee Luulyo dib loo fasixi doono Qaadka ay keeni jireen Soomaaliya, kadib markii wada-hadallo iyo heshiis ay ka gaareen Madaxda dowladaha Kenya & Soomaaliya.

Wasiirka oo u waramay wargeyska THE STAR wuxuu sheegay in hoos u dhac weyn laga dareemay labadii sano ee la soo dhaafay dhaqaalaha dalkaasi ka heli jiray qaadka maadaama suuqooda ugu weyn uu ahaa Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in labada todobaad ee soo socota Gudahood ay magaalada Nairobi tegi doonaan madax ka socota dowladda Soomaaliya si halkaasi loogu saxiixo heshiis laga gaar qaadka.

Wasiir Munya ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo waxa ay Soomaaliya ku bedelaneyso dib u furida suuqii Qaadka ee wadankaasi Kenya, waana markii labaad uu sheego in dowladda Soomaaliya ay fasaxday qaadkii ay keeni jireen Soomaaliya.

19-kii Bishii Maarso ee sanadii 2020 dowladda Soomaaliya ayaa hakisay Qaadkii Kenya sababo la xiriira cudurk COVID-19, hayeeshee waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay labada dowladood taas oo keentay in safaaradaha lakala qaato, iyadoo dhowr jeer uu fashilmay wadahadal lagu doonayay in Qaadka la fasoxo, sidaasina qaadka uu weli hakadka ugu jiro.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com