Kenya oo Shaacisay Liiska Rag- la Doon-doonayo

Somalia, December 19, 2015-(Daljir)_ Hay’addaha Ammaanka ee Kenya ayaa soo saaray Digniin ku aadan warar sheegayo inay 11-dagaalyahanno Alshabaab qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan Kenya Munaasabadda lagu soo dhaweynayo Sannadka cusub ee 20-16-ka ee Taariikhda Miilaadiyadda.

Warar dhinaca Sirdoonka Kenya ayaa sheegayo inay raggaasi  si qarsoodi ah ku soo galeen Kenya, isla markaana ay yihiin kuwo Khatar ah oo aad u hubeysan, waa sida warka loo dhigay.

Hay’addaha Ammaanka Kenya waxay min 2 million oo Kenya Shillings ah dul dhigeen 11-kaasi qof oo magacyadooda lagu kala sheegay:-

1.      Cabdifataax Abuukar Cabdi oo Somali ah, laguna naaeyso Musa Muhajir,

2.      Cabdalla Muumin Cabdalla,

3.      Suleymaan Maxamed Cawad,

4.      Cabdalla Siraaji Maruum,

5.      Maxamed Cali Axmed,

6.      Xuseen Saciid Cumar oo lagu naanayso Baabli,

7.      Anwar Yogan Mawook

8.      Cumar Batrooba Jumca oo loo yaqaano Jumca Owiti,

9.      C/qaadir Abuukar C/qaadir

10.  Ismaaciil Maxamed Shoosi oo loo yaqaano Ismaaciil Mamanga.

11.  Ciise Cabdalla Axmed.

12.   

Dadkaasi la raadinayo waxaa kaloo lagu sheegay inay horey uga qeyb galeen  weeraradii ay Alshabaab ka geysteen Deegaanka Mpeketoni iyo Laamu sannadkii hore.

 

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com