Kenya oo o xukuntay rag xiriir la leh Al-Shabaab

Maxkamad ku taalla Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa min 15 sano oo xabsi ah ku ridday saddex nin oo ku eedeysan in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Mbarouk Ali Adibu oo 34 jir ah, Idarous Abdirahman oo 32 jir ah iyo Islahi Juma oo 22 jir ah ayaa dhammaantood ka soo jeeda Dalka Tansaaniya, waxaana lagu helay agabka ay kooxaha argagixisada u adeegsadaan qaraxyada, sida uu sheegay Garsooraha Maxkamadda, Amos Makoros.

Raggan oo ay laamaha ammaanku qabteen Sanad ka hor, xilli ay qorsheynayeen in ay ka tallaabaan xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, ayaa dib loo dhigay xukunkooda October 19, 2018, markii la waayay xog dhammeystiran oo ku aaddan dambiga lala xiriirinayo.

Maxkamadda Magaalada Wajeer ee Waqooyi bari Kenya ayaa qabatay in ka badan 50 Kiis oo la xiriira Dacwadaha ka dhanka ah raggan la tuhmayo in ay gacan-saar dhow la leeyihiin Kooxaha argagixisada.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com