Kenya oo Nairobi ku xirtay tobbanaan xujey Soomaali ah iyo safaarada Soomaalida oo ka hadashay

Nairobi, October 11, 2013 – Garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi Jommo Kenyatta waxaa dhowrkii maalmood ee ina dhaafay lagu xiray 23 ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu qabtay baasaboorka Soomaaliga ee ay ku duulayeen.

Safaarada Soomaalida ee Nairobi ayaa sheegtay dadka la qabtay in ay yihiin Soomaali xujey ah oo ka tegayey dalka Kenya, balse ay ciidamada Kenya ku haystaan deganaanshaha u saaran baasaboorka oo la xaqiijiyey in uu yahay mid been abuur ah.

Maxamed Cali Ameriko safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegay in ay dowladda Kenya kala hadleen in la sii daayo dadkaas u socday Xajka si ay u gutaan waajibaadkooda, waxaa uu sheegay in ay dadaal dheer ku jiraan.

Wararka laga helayo Nairobi ayaa sheegaya dadka ku xiran garoonka Jomma Kenyatta in ay ku jiraan dad da?doodu wayntahay oo ka yimi xeryaha qaxootiga dalka Kenya ee Dhadhaab oo ay Soomaalidu joogto.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com