Kenya oo la wareegtay amniga madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxay dalka Kenya ayaa shaaciyay in amniga Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ay la wareegeen Ciidanka Milateriga dowladda Kenya.

Daily Nation ayaa sheegay in Wafdi uu hogaaminayo Maxamuud Sayid Aadan oo haatan ku sugan Magaalada Mandheere la dejiyay Hotel ku yaalla halkaas, isla markaana amnigiisa ay si toos ah ula wareegeen ciidanka Kenya.

Sarkaal ka tirsan Kenya oo la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa u sheegay in Maxamuud Sayid Aadan Ciidanka Itoobiya u diideen inuu galo Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo xili uu Safar ku marayay deegaano ka tirsan Gobolkaas.

Maalmihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ayaa ka jiray dhaq-dhaqaaqyo Ciidam oo ay halkaas ka wadeen Ciidamo ka kala tirsan dowladdaha Kenya iyo Itoobiya.

Dhinaca kale Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa haatan ku sugan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, isagoo halkaas u tegay arrimo la xiriira xalinta khilaafka ka taagan maamulka Gobolka Gedo.

 

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com