HomeUncategorized

Kenya oo ka Codsatay Somalia in ay ka wada-hadlaan Muranka Badda

Khamiis, Oktoobar 08, 2015 (Daljir) — Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah war ay u soo saartay ku qaadacday in muranka dhinaca badda ee Soomaaliya kula jirto qadiyadaasina laga geeyay maxkamada Cadaalada Caalamka ay diidan dantahay waxana ay ku dhaawaqday mid sharci dara ah.

Khudbadihii issimada Puntland oo wali ka socda xarig-jarka Garoonka Caalamiga ah ee Boossaaso
Xil. Maxamuud Jaamac Dalas oo aan ka waraysnay dagaaladii maanta ka dhacay Kalabaydh & Widhwidh ee gobolka Sool.
Gaalkacyo: Madaxda gobolka, kuwa degmooyinka iyo guddiga abaaraha oo ka arrinsaday xaaladda abaaraha.

Khamiis, Oktoobar 08, 2015 (Daljir) — Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah war ay u soo saartay ku qaadacday in muranka dhinaca badda ee Soomaaliya kula jirto qadiyadaasina laga geeyay maxkamada Cadaalada Caalamka ay diidan dantahay waxana ay ku dhaawaqday mid sharci dara ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai ayaa sheegay in xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi ay horey u wada saxiixdeen heshiis dhinaca badda ah balse aysan ku jirin in murankaasi maxkamad lageeyo.

Githu Muigai ayaa sheegay in qadiyadaasi lageeyay ICJ ay ka hor imaanayso heshiiskii labada dal ay kala saxiixdeen sanadkii 2009-ki waxana uu tilmaamay in hadda Soomaaliya aysan u haboonayn in kiiska noocasi oo kale ah ay geeyso Maxkamada cadaalada.

Githu Muigai ayaa shaaca ka qaaday in labada xukuumadoodba ay raadiyaan xal aan ahayn mida maxkamada oo murankaasi lagu dhameenayo.

Dowladda Soomaaliya markii uu adkaaday kiiskaan waxa ay qadiyada baddeeda ay ka tiigsatay sharciga waxana ay aaday maxkamada cadaalada QM.

Kenya waxa ay ku andacoonaysaa in ciidamo badan ay uga dhinteen Soomaaliya ayyana ahayn in hadda laga hadlo wax quseeyo badda.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: