Kenya oo howlgal ka fulinaysa Xadka Soomaaliya

Kenya oo howlgal ka fulinaysa Xadka Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa Magaalada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya kaga dhawaaqday howlgal weyn oo ay dooneyso in ay kusoo furato dhaqaatiir Ajnabi oo ay soo Afduubteen Koox hubeysan oo looga shakisan yahay Al-Shabaab.

Boqolaal Askari oo ka mid ah kuwa sidda gaarka u tababar ee Kenya ayaa soo gaaray Xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan, waxaana ay sheegeen in ay doonayaan in ay dhaqaatiirta soo furtaan.

Maamulka degmada Mandera ayaa sheegay in Ciidanka ay ka talaabi doonaan Xadka Soomaaliya, Maadaama uu sheegay in Kooxaha Afduubka geystaa ay ka yimaadaan dhanka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay booliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay in dowladda Kenya ay qaadi doonto howlgal looga hortaggaayo khatarta Al-Shabaab, maadaama uu sheegay in horay loosoo Afduubtay Haweenay u dhalatay dalka Talyaaniga.

Koox hubeysan ayaa laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ka afduubtay xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay shaqo u socdeen, waxayna sidoo toogasho ku dileen sarkaal boolis ah oo ilaalinayey maalintii shalay aheyd.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com