Kenya oo gacanta ku dhintay koox Al-shabaab u qaabilsan qoridda Dhalinyarada

Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen koox Al-shabaab u qaabilsan qoridda iyo ka dhaadhicinta dhallinyarada fikradaha Al-shabaab.

Taliyaha Booliska Gobolka Siaya Michael ole Tialaal , ayaa sheegay in ay qabteen kooxda AL-shabaab u qaabilsaneyd qoridda Dhallinyarada xabsigana ku jiraan hadda.

Michael ole Tialaal , ayaa sheegay in Dhallinyarada ay u qoreen qaarkood ay u gudbeen sohdinta Soomaaliya kuna tababaranayaan halkaas.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen dhallinyaro kale oo loo waday dhinaca Dalka Tanzania kuwaas oo halkaas iyana tababar u aaday.

Taliyuhu waxaa uu xusay in ay garteen ragga Al-shabaab u qaabilsan qorista Dhallinyarada degaankaas,haddana qaarkood gacanta lagu dhigay.

Dadka degaanka Siaya ayuu ka codsaday in ay Hay’adaha amaanka kala shaqeeyaan sidii ay uga hortagi lahaayeen falalka ay wadaaddo taageersan Al-shabaab ka wadaan Gobolka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com