HomeUncategorized

Kenya oo Duqaysay Deegaano ku yaal Jubbaland

Talaado, Feberaayo 09, 2016 (Daljir) —Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ayaa la sheegay inay dhowr jeer saqdii dhexe ee xalay duqeeyeen Deegaanka Beer-xaano oo 65 KM u jirta magaalladda Kismaayo.

Meleteriga huwanta iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaanka Qansax-Oomane ee gobolka Baay
Dawladda Imaaraadka Carabta oo wadda qorshe cunaqabataynta hubka looga qaadayo Somaliya.
?Xildhibaan Afaraale oo ku eedeeyey Puntland tacaddi loo gaystay dadka ka soo barakacay Bay & Bakool.
Talaado, Feberaayo 09, 2016 (Daljir) —Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ayaa la sheegay inay dhowr jeer saqdii dhexe ee xalay duqeeyeen Deegaanka Beer-xaano oo 65 KM u jirta magaalladda Kismaayo.
 
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay Diyaaradahaasi duqeeyeen dhulka Kaymaha ee Deegaanka Beer-xaano, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab.
 
Mid ka mid ah dadka ku nool Deegaankaasi ayaa inoo sheegay inay gelinkii dambe ee xalay maqlayey guuxa Diyaaradaha iyo Qaraxyo badan oo iftiimayey.
 
Waxa uu tilmaamay inay Diyaaradaha dhowr jeer duqeeyeen qeybo ka tirsan Hawdka Deegaanka Beerxaano.
 
Duqeyntan ayaa timid, kadib, markii ay Ciiddanka Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay horey ugu guuldaraysteen isku-day ay ku doonayeen inay Alshabaab kala wareegaan Deegaankaasi oo ku yaalla goob Istaraatijiyad leh.
 
Xaalladda Deegaanka Beerxaano ayaa saakayto deggan, inkastoo ay dadka weli ka baqdin qabaan inay Diyaaradaha mar kale soo weeraraan Deegaankaasi.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: