Kenya oo Ciidamo badan soo Dhoobtay Xadka ay la wadaagto Somalia

Somalia, November 30, 2015-(Daljir)_ Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay xadka ay la wadaagto Somalia u dirtay ciidammo dheeraad ah, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay falal ammaan-darro ah ka wadeen xadka toddobaadyadii u dambeeyay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xoogag ka tirsan Al-shabaab oo u socda kooxo-kooxo ay toddobaadyadii u dambeeyay dhibaatooyin ka wadeen deegaannada gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Sidoo kale, xiriiriyaha gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamuud Saalax ayaa sheegay inay adag tahay in amniga deegaanka la sugo, iyagoo sabab uga dhigay roobab da’aya iyo waddooyinka oo xun, balse ay ciidammo badan xadka loo diray.

 

 

 

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com