Kenya oo beenisay in ciidamadeeda ay ka qeyb qaateen dagaalkii BeledXaawo

Kenya oo beenisay in ciidamadeeda ay ka qeyb qaateen dagaalkii BeledXaawo

Wasiirka Arrimaha Dibbada dowlada Kenya Fred Matiangi ayaa beeniyay in ciidamada Kenya ay ku lug lahaayeen dagaal ka dhacay shalay magaalada Beled Xaawo.

Fred Matiangi ayaa sheegay in uusan jirin askari ka tirsan ciidamada Kenya oo ka gudbay xadka Soomaaliya kana qeyb qaatay dagaalkii shalay ka dhacay Beled Xaawo.

“Kama mid ahayn ciidamadeena dagaalkii Beled Xaawo mana jiro askari ka gudbay Xadka oo galay gudaha Soomaaliya.”ayuu yiri Fred Matiangi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com