Kenya oo Awaamir ku soo rogtay ganacsatada soomaaliyeed ee Nairobi ku sugan

Kenya oo Awaamir ku soo rogtay ganacsatada soomaaliyeed ee Nairobi ku sugan

Go’aanka uu madaxweyne Uhuru Kenyatta bandowga looga hortagayo mowjadda sadexaad ee cudurka COVID-19 dhowaan ugu soo rogay qeybo ka mid ah dalka Kenya ayaa si weyn u saameeyay ganacsiga iyo shaqooyinkii dadkii ka shaqeysan jiray huteelada iyo goobahii lagu isugu imaan jiray ee magaalada Nairobi.

Arrintan ayaa sidoo kale dhibaato horleh ku keentay ganacsigii suuqa Soomaalida Islii ee Nairobi.

Cumar Ibraahim Xuseein oo ah xoghaya guddiga ganacsatada Suuqa Islii ayaa sheegay in saameynta ugu badan uu go’aanka ku yeeshay Hoteelada iyo Goobaha laga cunteeyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com