Kenya iyo Uganda oo iskaashi ka yeelanaya baaritaan la xiriira weerarkii westgate mall ee Nairobi

Nairobi, November 24, 2013 – Dowladda Kenya ayaa oggaatay macluumaad muujinaya in afar ka mid ah dadkii weeraray dhismaha westgate bishii September ay ka soo galeen dhanka wadanka Uganda iyagoo lugaynaya.

Kenya waxay sheegtay labbo ka mid ah afarta ruux in la kala yiraahdo Maxamed Cabdi Nuur iyo Xasan dhuxulow, waxaa la sheegay in ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Kampala kadibna iyagoo lugaynaya ay yimaadeen Kenya.

Dareewal Taxi ayaa Kampala ka soo qaaday afarta wiil isagoo keenay meel ku dhow xuduuda Kenya gaar ahaan deegaanka Malaba, iyagoo kadib si lug iyo dhuumaalaysi ah ku galay dalka Kenya, xukuumada Nairobi ayaa Kampala ka dalbatay in su?aalo la weydiiyo wade Taxi.

Kenya ayaa weli ku raad-joogta ragii weeraray dhismaha Westgate mall ee Nairobi, halkaas oo ay ku dhinteen 67 oo dadkii dhismaha joogay ah.

Afarta ruux ee la helay macluumaadka meeshii ay ka soo galeen Kenya ayaa la xaqiijiyey in ay Soomaaliya ka tageen bishii June ee sanadkan, howl-galka ayaa khasaare badan dhaliyey isla markaasna raad xun ku reebay Kenya

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com