Kenya iyo Soomaaliya oo soo celiyay xiriirkooda diblumaasiyadeed

Kenya iyo Soomaaliya oo soo celiyay xiriirkooda diblumaasiyadeed

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa galabta dib ugu laabtay Nairobi, isagoo maalin kaddib dib ugu laabanaya shaqadiisa Diblomaasinimo ee Safaaradda Nairobi.

Amb. Tarsan ayaa xalay waxa uu ka dagay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, waxaana soo dhoweeyay Howl-wadeeno iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in dib ugu laabashada Nairobi ee Ambassador Tarsan ay ka dambeysay, markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay warqad u qortay dhiggeeda Kenya, isla markaana la fududeeyay waxyaabihii hortaagnaa dib ugu laabashadiisa Nairobi.

Todobaadyo ka hor Safiirkii Kenya ee Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii xiriirka labada dal uu caadi ku soo laabtay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa bartamihii bishii February ku amartay Mr Tarsan inuu dib ugu laabto Muqdisho, halka Safiirkeedii Muqdisho ku amartay inuu dib ugu soo laabto Kenya, kaddib markii uu xumaaday xiriirkii labada dal.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa caadi ku soo laabtay, kaddib markii si hoose la xaliyay khilaafkii labada dal, sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dadaal u galay dhameynta xiisadda Diblomaasiyadeed, waxaana uu labada Madaxweyne isugu geeyay magaalada Nairobi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com