Kenya iyo Dowladda Somaaliya oo Kawadda Hadlay Xiisada Baladxawo

Kenya iyo Dowladda Somaaliya oo Kawadda Hadlay Xiisada Baladxawo

Masuuliyiin ka tirsan Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Magaalada Mandhera ee dalka Kenya ayaa waxa uga wada hadleen dhibaatada ka taagan Magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Masuuliyiintan ayaa waxaa kala hoggaaminayay isku duwaha dhanka ammaanka Gobolka Waqooyi Bari Kenya Maxamuud Saalax iyo Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur (Janan).

Kulankan oo ahaa mid albaabada ay u xirnaayeen ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Hotelka Red Sea ee ku yaalla Magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Barri dalka Kenya.

Maxamuud Saalax oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la dhameeyay arrimhii yar yaraa ee ka taagnaa xuduuda, wax kastana laga heshiiyay, shacabka labada dhinac ayuu ka codsaday in ay soo celiyaan walaaltinimadooda.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Aadan ayaa dhankiisa sheegay in qaab is afgarad ah uu ku soo dhamaaday shirka, inta uu ku dhacayo wada hadal u dhaxeeya labada xukuumadood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha maamulka Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay shirkaasi inuu ku soo dhamaaday in la joojiyo dhismihii socday, marka laga reebo shamiindo qoyan oo la rabay in lagu shubo godad qodan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com