Kartida Bulshada Deegaanka Cuun iyo Qabashadii 14 Alshabaab: Sidee u Qabteen?

Kartida Bulshada Deegaanka Cuun iyo Qabashadii 14 Alshabaab: Sidee u Qabteen?

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa xalay waxaa la soo gaarsiiyey 14 ruux oo la rumaysan yahay inay katirsa yihiin ururka Alshabaab, laguna soo qabtay deegaanka Cuun oo qiyaastii 87KM ujira magaalada Garoowe.

Maxaabiistaani ay qabteen dadka deegaanku ayaa waxa ay ka kooban yihiin 14 ruux oo labo kamid ah ay yihiin haween, waxaana lagu wadey gaadiid nooa raaxada ah, sida dadka deegaanku xaqiijiyeen.

Haddaba Sidee Lagu Qabtay?

Dadkaani oo watey gaarigooda ayaa waxa ay shalay gelinkii dambe gaareen deegaanka Cuun oo ah deegaanka beereed Garoowe dhanka bari kaga beegan, inkasta oo aysan ku hakan halkaasi, waxaase ka shakiyey dadka deegaanka oo aan horay ugu baran dad u safraya noocaasi.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in gaarigaani iyo dadka watey markii ay soo dhaafayeen beeraha ay afka soo duubteen, kadibna ay gaariga ka degeen marka laga reebo darawalka iyo hal ruux oo kale, si ay dadka uga dhaadhiciyaan inay yihiin intooda kale tarhiibayaal.

Intaasi kadib markii ay dhaafeen deegaanka waxa ay fuuleen gaarigii ay wateen waxaana ay gaareen tuulada Timir oo dhanka waqooyi kaga beegan cun, halkaasi oo ay ku horjoog sadeen dhalinyaro reer guuraa ah oo xogtooda looga sheegay khadka Taleefanka ee deegaanka Cuun.

Muran dheer kadib, waxaa gaarey deegaanka labo gaari oo ay saarnaayeen rag hubaysan oo kamid ilaalada deegaanka iyo reer guuraa kayimid dhanka deegaanka Cuun kuwaasi oo markii ay gacanta ku dhigeen la soo xiriiray taliska ciidanka booliska ee gobolka Nugaal.

Abbaare saddexdii ama sagaalkii galabnimo waxaa gaarey deegaanka Cuun taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle dhexe Xinjira-dhuuq iyo ciidamo uu hogaaminayey oo dadka deegaanka kala wareegey 14-kii ruux iyo gaarigii ay wateen.

Saacad kadib waxaa iyana goobta tegey gaari shabaqle ah oo lagu soo qaaday maxaabiista iyo ciidamo katirsan kuwa PSF ee Puntland oo madasha ka soo gelbiyey kuna soo simay magaalada Garoowe gaar ahaan xabsiga weyn oo lagu xiray.

Dhanka kalena, dadka deegaanka ayaa sheegay in markii ciidanka booliska iyo kuwa PSF ay soo kexeeyeen maxaabiista ay arkeen diyaarado jawi hoose ku socda oo dul wareegayey deegaanka dabadeedna u soo dhaqaaqay xagga magaalada Garoowe, kuwaasi oo la rumaysan yahay inay yihiin kuwa la shaqeeya ciidamada PSF Puntland.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
  • maxamud jamac 7 years ago

    waxa ay muujiyeen wadani nimo dhaba

  • Mohamed Ahmed Mohamex 7 years ago

    Wax qabad lagu daydo ayey sameyen dadka dagan degaankaas waana wax loo Bashan yahay in laga shaqeeyo amaanka ciidamaduna waa kumahadaanyihiin sida wanaagsan ee ay usoo ajiibeen

  • Abdihafid Abdi 7 years ago

    waa wax lagu farxo runtii wadashaqaynta dhex martay dadka deegaanka cuun iyo ciidamada PSF puntland.
    Maaansha waana guuul usoo hoyatay dhammaan bulshada puntland.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com