Kalluumaysatada xeebaha gobolka Bari oo kacanaya dhibaatooyinka maraakiibta jariifk (Sawiro)

?

Bosaso, Oct, 11 – Kalluumaysatada xeebaha gobolka Bari ayaa siweyn uga cabanaya dhibaatooyin ay kala kulmaan maraakiibta sida sharci darada ah uga kalluumaysta xeebaha gobolka Bari, xilli kalluumaysatada Soomaaliyeed ay u diyaar garoobeen xiliga bad-furanka oo ay siweyn sare uga qaadaan howlaha kalluumasiga.


Wariyeyaal katirsan Radio Daljir oo maanta booqay xeebta magaalada Boosaaso ayaa la kulmay kalluumaysatada qaarkood, waxaana ay sheegeen inay siweyn uga cabanayaan maraakiibta sida sharci darada uga kalluumaysta xeebaha gobolka Bari.

Mid ka mid ah dadkii kalluumaystada aanu la kulanay oo ahaa oday da’ ah ayaa sheegay maraakiibta Jariifka xiligaan dhibaatooyin xoogan inay ku hayaan kalluumaystada, gaadiidka Jariifka qaarkood ayuu sheegay inay dusha ka maraan shabaagaha kalluumaysatada iyadoona xiliyada qaarkoodna la baxa kalluunka ku xarooda shabaabagaha ay kalluumaysatada Soomaaliyeed ay wataan.

Kalluumaysatada ayaa ka codsaday wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka baddda Puntland inay wax ka qabato dhibaatooyinka lagu hayo kalluumaysatada xeebaha gobolka Bari.

Kalluumaysatada xeebaha gobolka Bari ayaa marar badan cabashooyin noocan oo kalle ah u gudbiyay wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland.

?

Maxamuud Cabdi Ibraahim

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir Bosaso.\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com