Kalfadhigii 3-aad ee golaha Deegaanka degmada Dongoroyo oo shalay la soo gabo gaboobay,

Dangoroyo, Jan, 01- Waxaa shalay la soo gabagabeeyay kalfadhigii 3-aad ee golaha deegaanka degamada Donogoroyo ee gobolka Nugaal, kaasi oo bilowday? (28) Dec, 12 waxaana looga hadlay? Qodobo ay kamid yihiin? Arimaha bulshada,nabadgalyada,caanshuuraha iyo miisaaniyada degamda ee sanadda 2013.


Kalfadhigani oo ahaa mid ay u dhammaayeen xilibaanada golaha deegaanka degamda ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Dongoroyo ahna duqa degamda mudane C/qaadir Siciid C/rixmaan { Cukaashe }, waxaana uu sheegay in xilibaanada goluhu si wanaagsan uga munaaqashoodeen qodobada laga hadlayey, taasina uu sheegay in ay keentay in laysku raaco qodobbada kasoo baxay kalfadhigaasi.


” waxaan wax ka qabanay dhinacyada kala duwan ee arimaha bulshada sida caafimaadka,waxbarashada iyo biyaha, haatanna waxaa la wadaa? qorshe wadooyin loogu samaynayo degamda Dongoroyo” sidaasi waxaa yiri gudoomiya golaha deegaanka degmada Dangoroyo Md (Cukaashe).


Sidoo kale waxaa isna xiritaankii? kalfadhiga ka hadlay Lataliyaha wasaarada arimaha gudaha dawladaha hoose iyo Hormarinta reer miyiga Jaamac Salaad Maxamuud oo si aad ah ugu mahad celiyay masuuliyiinta degmada iyo xildhibaanada golaha deegaanka sida quruxda badan ay ugu heelan yihiin hormarinta deegaanka, isagoona sheegay in ay wasaaradu ka taageeri doonto waxyaabaha ay uga baahdaan isagoo ku dhiirigaliyayna horumarka iftiimay iyo iskuxirnaanta maamulka iyo bulshada degamda Dongoroyo kuna baaqay in maamulka Dongoroyo ay halkaasi kasii wadaan waxqabadka ay muujiyeen.


Dhawaan ayaa xildhibaanada golaha deegaanka degmada Dongoroyo ay socdaalo ku maridoonaan qaar kamida tuulooyinka hoosyimaada degmada sida ay noo xaqiijiyeen maamulka degamda Dongoroyo ee gobolka Nugaal.


Diiwaanka Wararka Daljir
Dangoroyo
(S).

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com