HomeUncategorized

Kalfadhiga 23-aad ee baarlamaanka Puntland oo maanta furmay.

Garowe, Oct 31 - Kalfadhiiga barlamanka Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga furay aqalka wakiillada Puntland ee magaalada Garoowe, kaasi oo ay ka so

Al-shabaab oo Sheegatay Qarax Ay Seddex Qof ku Dhinteen oo Xamar ka Dhacay
Madaxweynaha oo baaq ku aadan doorashada 2016 u diray shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha dowladda Puntland oo dib ugu soo laabtay Garowe

Garowe, Oct 31 – Kalfadhiiga barlamanka Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga furay aqalka wakiillada Puntland ee magaalada Garoowe, kaasi oo ay ka soo xaadireen 49 mudane oo ka tirsan golaha baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 xubnood.

Kalfadhigaan oo ahaa midkii 23-aad ee ay yeeshaan golaha wakiillada Puntland ayaa waxaa goob joog ka ahaa m/weynaha dawladda Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud ?Faroole?, isla markaana khudbad ka horjeediyey.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi, oo shir guddoominayey fadhigii maanta ayaa si rasmi ah u furay kulanka waxaana uu m/weynaha u sharraxay hawlaha baarlamaanka iyo qorshayaasha u hirgalay iyo kuwa hadda ay doonayaan in la gorfeeyo.

Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay oo uu carabka ku adkeeyey arrimo badan oo ku saabsan hormarinta adeegyada bulshada Puntland, waxaana uu si gaar ah u xusay tallaabooyin waxqabad oo lagu soo kordhiyey dhismaha aqalka xildhibaanada sida Masaajid iyo goobo kale oo muhiim ah.

M/weynaha dawladda Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxmuud ?Farole? oo ka qayb galay furitaankii kalfadhigii golaha ee maanta, ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad ku qotontay xaaladda guud ee Puntland gaar ahaanna wuxuu si khaas ah u taabtay arrimaha nabadgalyada iyo heshiiskii deegaanka Igdhays ee gobolka Bari.

M/weynuhu waxaa uu sheegay in ay sameeyeen dadaallo dheeraad ah oo muddo badan xukuumad ahaan ay ku howllanaayeen oo ku aaddan xal u helidda khilaafkasta oo soo cusboonada isla markaana soo kala dhaxgala beelaha deggan Puntland, wuxuuna intaasi ku daray marna in ay loo baahnayn waxkasta oo colaad iyo dhibaato horseedi kara.

Dadka reer Puntland m/weynuhu waxaa uu u soo jeediyey in ay illaasadaan nabaddooda iyo deganaansha ay haystaan iyadoo laga duulayo colaadda iyo dhibaatada dabo dheeraatay ee muddada badan ka taagan gobollo badan oo dalka Soomaaliya ah.

C/fitaax Cumar Geedd
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: