Kalfadhiga 1aad ee barlamaanka cusub oo furmaya 15-ka December 2016.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa sheegay in 15-ka bishaan uu furmi doono fadhigii ugu horreeyey ee Barlamaanka cusub, isagoo dhanka kalena ku baaqay in si deg-deg ah loogu gurmado dadka ay abaaraha saameeyeen.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa farriintiisa ku biilaabay, tacsi uu diray ummaddiisa, taas oo ku aaddan dhibaatooyinka ay argagixisada u geysteen, ciidammada ammaanka Soomaaliya ayuuna ku ammaanay doorka fir-fircoon ee ay ka taagan yihiin, ka hortagidda nabad-diidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay mar kale in dagaalka Soomaaliya ku jirto uu yahay mid caalami ah kana dhan ah argagixisada, shacabka Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu ugu baaqay in ay qeybtooda ka qaataan dagaalkaasi.

Madaxweynaha J. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya 47-sanno kaddib ay doorashooyin ka dhacayaan, taasoo lagu gaaray biselyn siyaasadeed oo dadka Soomaalida ah ay sameeyeen, waxa uu ku ammaanay dowlad gobolleedyada iyo guddiga arrimahaasi ku howlahan sida ay u guteen waajibaadkooda.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in fadhigii ugu horreeyey ee Barlamaanka labada aqal ee cusub uu furmi doono sida qorshuhu yahay 15-ka bishaan, gacantana lagu hayo howshaasi, isagoo faray maamulka Barlamaanka in ay dadajintaan qabsoomidda kulankaasi oo ay dhaarinta xildhibaannada ay ka mid yahay.

Ugu dambeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa farriin muhiim ah u diray dadka Soomaaliyeed oo yiri “gobollada Jamhuuriyadda oo dhan waxaa ka jira abaaro xooggan, waajib ayeeyna nagu tahay inaan gurmad u fidinno dadkeenna, waxaan ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed qeyb walba in ay u istaagaan badbaadinta dadkeenna gaajada u dhimanaya.

Hadalka madaxweynaha, waxaa soo baxay xili Soomaaliya ay wajaheyso labada xaaladood ee uu ka hadlay ee doorashooyinka oo ah horumar weyn iyo abaaraha oo ah xaalad liidata, aadna u adag, taas oo Soomaalidu uga dhigan tahay in ay muujiyaan ad adeyggii looga gudbi lahaa.

—-DHAMMAAD—-

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com