Kaalin shidaal oo dab qabsaday magaaladda Muqdisho (Sawiro)

Kaalin shidaal oo dab qabsaday magaaladda Muqdisho (Sawiro)

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dab uu ka kacay goob shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla meel ku dhaw Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Sawiro laga soo qaaday halka uu dabka qabsaday ayaa waxa ay muujinayaan olol is qabsaday oo sii faafaya iyo uuro cirka qabsatay, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in dabkaasi lagu damiyo.

Ilaa haatan lama soo warin khasaare nafeed in uu geystay dabkaani kaalinka shidaalka ka kacay hasa ahaatee waxaa uu geystay khasaare hantiyadeed oo baaxad weyn, lamana oga sababta markii hore uu dabkaani ka dhashay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com