Juxa: Puntland waa meeshii Soomaaliya dib looga aasaasay markii dalku dhulka shafka ku dhuftay (daawo)

Juxa: Puntland waa meeshii Soomaaliya dib looga aasaasay markii dalku dhulka shafka ku dhuftay (daawo)

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha DF Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa maanta si diiran oo aan loo kala harin loogu soodhaweeyey Garoowe. Juxa oo safka hore uga jira miidda reer Puntland ayaa si kooban uga sheekeeyey taariikhda Puntland ee labaatankii sano ee la soo dhaafay iyo doorkeeda dib-u-dhiska iyo isukeenka Soomaaliya, iyo kan looga taaganyahay maanta.

Juxa ayaa yiri, “maanta waa la ladanyahay, laakiin hadana ladnaantaa wax ina iloowsiisay badan; isku-duubnidii shalay jirtey ma jirto; fogaan-araggii shalay jirey ma jiro; garaadkii weynaa ma jiro; dhaliil waaye.”

Juxa ma uu magac-dhabin cidda leh dhaliisha dib-u-dhaca Puntland, laakiin waxa uu ku celceliyey doorka Puntland ee dib-isu-taagga Soomaaliya, asaga oo yiri, “Villa Soomaaliya halkaan ayaa laga abaabuley. Halkaan ayaa xoolo laga galiyey, xeelad laga galiyey, dadaal laga galiyey.”

Juxa weli ma uu shaacin in uu yahay musharrax Madaxweyne Puntland ee sannadka 2019, laakiin soodhaweyntii maanta waa mid muujineysa in shacabka Puntland ay u heelanyihiin hoggaan cusub, uuna shacabka xasuusiyey doorka Puntland looga fadhiyo ka qaybqaadashada hoggaanka iyo hagidda Soomaaliya.

Hoos ka daawo soodhaweyntii iyo khudbaddii Md. Cabdi Siciid Faarax (Juxa).

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com