Juvantus oo xalay Guul Muhiim ah Gurigeeda kaga gaartay kooxda Real Madrid

Arbaco, May 06, 2015 (Daljir) —Kooxda Kubadda Cagata ee Real Madrid oo dalka Spain ka dhisan ayaa xalay guul-darro ku billowday lugiti hore Semi-filanka Koobka Horyaallada Yurub ee UEFA Champions Leage kaddib ciyaar ay isaga horyimaadeen Kooxda Kubadda cagta ee Juventus oo Talyaaniga ka dhisan.

Ciyaartsa oo ahayd mid xiiso badan ayna ka qayb-galeen kumanaan qof ayaa ka dhacaday garoonka kubadda cagta ee Juventus, iyadoo Real Madrid lagu garaacay 2-1. Iyadoo la xusuuto in Juventus ay sidan oo kale kooxda Real Madrid uga badisay sannadkii 2003-dii oo naadiga Juventus uu u soo baxay ciyaartii finalka.

Labada kooxood ayaa xalay muujiyay ciyaar wanaag, inkastoo kooxda Real Madrid aysan u ciyaarayn sidii looga bartay, halka ay soo badhigtay Juventus ciyaar aad uga wanaagsan tii laga filayay inay lasoo shir-tagto.

Juventus ayaa waxaa u suuro-gashay qaybihii hore ee ciyaarta inay gool ka dhaliyaan Real Madrid, balse daqiiqadii 27-aad ayaa waxaa ciyaarta barbarro 1-1 ah ka dhigay ciyaaryahan Ronaldo.

Ciyaarta qaybteedii koowaad waxaa lagu kala nastay labada kooxood min hal gool, iyadoo qaybtii labaad ee ciyaarta ay kooxda Juventus mar kale u suuro-gashay inay dhaliyaan gool riigoole ama gool-ku-laad ahaa, waxaana u dhaliyay goolkan daqiiqadii 78-aad ciyaaryahankooda Tevez.

Markii la gaaray daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta loogu talo-galay ayaa waxay ku dhamaatay 2-1, iyadoo Juventus ay kala baxday garoonka farxad iyo guul; halka kooxda Real Madrid ay iyadana garoonka kala baxday niyad-jab iyo guul-darro.

Kooxahan ayaa waxaa u harsan ciyaar kale oo ay ku kala baxayaan oo ka dhici doonta dalka Spain, waxaana kooxdii ku badisa ciyaartaas ay u soo bixi doontaa ciyaarta kama dambeysta ee horyaalka EUFA Champions.

Ugu dambeyn, waxaa iyadana caawa ciyaar aad u xiiso badan ay dhex-mari doontaa labada kooxaha Barcelona oo Spain ka dhisan iyo Bayern Munich oo dalka Jarmalka ka dhisan, iyadoo labadan kooxood ay yihiin kuwo aad u adag.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com