Site icon Radio Daljir

Jubbaland oo Mareykanka kala hadashay Arrimaha doorashooyinka

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maamulka Jubbaland ayaa maanta kulan la qaatay safiir ku-xigeenka Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Madam Carla Benini oo uu wehelinayo Lataliyaha Safaaradda Arimaha Bini’aadanimada Madam Kathrin Lauer.

Wasiirka ayaa kulanka kaga hadlay marxaladda abaaraha ba’an ee ka jira deeganada Jubbaland oo u baahan gurmad dag dag ah, wuxuuna ka deyriyay cuno yarida iyo nafaqadara soo food saartay dadkii ay abaarahu saameyeen.

Wasiirka ayaa sidoo kale safiirka kala hadlay in ay muhiim tahay in deeq bixiyaasha Somaaliya oo ay ugu horeeyso Dowladda Mareykanka in ay diiradda saaraan xal u helidda musiibooyinka soo noqnoqda asagoo siiyay tusaalooyin wax ku ool ah.

Ugu dambeyntii Safiir ku-xigeenka ayaa xaqiijisay in Dowladda Mareykanka ay ka go’antahay taageridda Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Dowlad goboleedka Jubbaland, islamarkaana ay ka jawaabi doonan codsiga wasiirka ee ku saabsan gurmadka deg deg ah iyo mashaaric wax ku ool ah

Diwaanka wararka
Radio Daljir

Exit mobile version