Jubbaland oo laga Xusay Munaasbadda 1-da Luuliyo

Arbaco, July 01, 2015 (Daljir)_Waxaa xalay lagu qabtay Madaxtoyada Jubbaland ee Kismaayo munaasabad loogu dabaal dagayey 1da luulyo oo maanta ah waana markii xoriyada qaateen gobolada Koonfurta Soomaaliya iyo Midawgii Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasabad oo qayb ka ahayd munaasabado kale oo ka dhacay qaar kamid ah gobolada dalka waxaa ka qayb galay sii hayaha xilka Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud luga dheere ,Xildhibaano’Wasiiro ‘Odayaal ‘Haween iyo Dhalinyaro ‘.

Masuuliyintii ka hadlay munaasabad ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay dadka Soomaaliyeed u leeyihiin maalmaha xoriyada waxayna ku booriyeen madaxda dalka in maamuus qaran loo sameeyo maal maha Xoriyada.

Masuuiyiinta Jubbaland ee goobta ka hadashay uu ugu horeeyey Madaxweyne ku xigeenka labaad luga dheere waxay beeniyeen hadal dhawaan laysla dhex marayey kaaso ahaa in Kismaayo lagu gubay Calanka Soomaaliya’waxayna xuseen in hadalka uu yahay mid looga been abuuranayo Jubbaland oo la doonayo in meel looga dhaco sharafteeda.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com