Site icon Radio Daljir

jubbaland oo ka hortagtay ciidamadii dowlada ee weerarka ku soo qaaday

Ciidanka Daraawiishta Dowlad-goboleedka Jubbaland ee kusugan degmada Beledxaawo ayaa ka hortegay weerar ay soo qaadeen ciidankii ay muddooyinkaan Dowladda Federaalku ku daabulaysay gobolka Gedo.

Ciidanka oo xilli horeba heegan la geliyey una diyaarsanaa ka guul gaarista talaabo kasta oo ay la kulmaan ayaa jilibka u aasay ciidankii soo weeraray, waxayna ku guulaysteen in ay dib u riixaan ciidankii soo weeraray.

Dagaalka oo weli socda ayaa ku fiday fariisimo ay horay ugu sugnaayeen ciidanka Xamar laga keenay, saraakiisha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa qorsheynaya in ay dhaqso u dhaqan geliyaan qorshaha xasilooni kusoo celinta degmooyinka Daawo.

Exit mobile version