Jubbaland oo ka hadashay duqeyn lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo wariyeyaasha kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in gantaal lala dhacay gaariga uu saarnaa sarkaalka, inkastoo aanu magaciisa sheegin.

Muddooyinkii u dambeeyay duqeymaha ay geysanayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka waxaa uu ka dhacayay qeybo ka mid ah Jubbooyinka, gaar ahaan aaggaga Jilib, Bu’aale iyo Jamaame oo ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa war soo saaray waxaa uu ku sheegay in duqeyn ka dhacday degmada Jilib 30-ka bishii hore ee November, waxaana Taliska sheegay inay qiimeyn ku hayaan duqeyntaas oo aanay si rasmi ah u sheegin cida lala bartilmaameedsaday, hase ahaatee waxa ay tilmaameen in aanay jirin wax khasaare ah oo duqeyntaas ka soo gaaray dad rayid, bale bartilmaameedka uu ahaa Al-Shabaab.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Jubbaland oo ka hadashay duqeyn lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab”

  1. NuurkaNederland

    ALSHABAB+CIA+MI6+AMISOM+UNSOM=ONE.
    I.S.I.S=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICES.
    ISIS is ISRAELIAN GROUPS,ISNOT MUSLIMS’GO FUCK YOUR SELF,ISIS=INTERNATIONAL JEWISH TERRORIST IJT.

U Jawaab NuurkaNederland Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com