Jubbaland oo eedeyn kulul u jeedisay Dowladda Federaalka

Jubbaland oo eedeyn kulul u jeedisay Dowladda Federaalka

War saxaafadeed ka soo baxay dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso, isla markaana khal khal gelinta Amniga deegaanada Jubbaland.

Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka ay qaadeyso mas’uuliyadda dhacdadii Garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo shalay isku rasaaseeyeen Ciidamada ammaanka garoonka iyo Ilaalada Musharax C/naasir Seeraar, kaddib markii la isku maandhaafay baaritaan lagu sameyn lahaa boorsooyinka Musharaxa, xilli uu ka soo degay diyaarad ka timid Muqdisho.

“Dowlad goboleedka Jubbaland waxay masuuliyad ka saarantahay sugidda Amniga dalka iyo dadka reer Jubbaland , mana ogolaaneyso waxkasta oo carqalad ku ah kala danbeynta iyo nidaamka dowladnimo, Jubbaland waxay caddeynaysaa inay faragalin gurracan ku hayso hambsami u socodka hanaanka doorasho ee Jubbaland taas oo ay masuuliyadeeda qaadan doonto DFS fal kasta oo liddi ku ah amniga iyo dowladnimada JJubbalan”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

War saxaafadeedkan kulul ee ka soo baxay Jubbaland ayaa ka dambeeyay, kaddib markii uu xalay buuq ku dhamaaday wada hadaladii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada uga socday Garowe, iyadoo buuqaas uu sal u ahaa dhacdadii Garoonka diyaaradaha Kismaayo oo uu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe si gaar ugu eedeeyay Madaxda dowladda inay mas’uul ka yihiin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com