Jubaland oo xukun dil ah ku fulisay sadex askari oo midkood horay uu udilay xaaskiisa

Jubaland oo xukun dil ah ku fulisay sadex askari oo midkood horay uu udilay xaaskiisa

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay sadex askari oo ka tirsan ciidamada oo dhibaatooyin dil ah gaystay.

Waxaa ku jiray sadexda askari ee xukunka dilka ah lagu fuliyay  Cabdullaahi Asad Ismaacil oo horay u dilay xaaskiisi marxuumad Muxubo Maxamed Guure.

Labada askari ee xukunka lagu dilay ayaa magacyadooda uu ahaa C/rashiid Axmed Xasan oo horay u dilay Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xirsi Aadan

Cabdi Muumin oo horay u dilay  Marxuum Cawil Colow Xasan.

Xukunka dilka ah ayaa kadhacay galbeedka magaalada Kismaayo halka loo yaqaano Baar caleen oo laga soo galo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com