Jubaland oo Odayaasha dhaqanka ka dalbatay ka qayb qaadashada dagaalka Al-shabaab (Sawiro)

Maamulka Jublanad oo maalmihii udambeeyay ku jiray diyaar garow ku aadan sidii ay Al-shabaab   uga saari lahaayeen degmooyinka ay gacanta ku hayaan  ee gobolka Jubada hoose ,ayaa waxa ay kulamo gooni gooni ah ay la qaateen  Odyaasha dhaqanka  ,waxayna ka codsadeen  in ay kala qayb qaataan dagaalka Al-shabaab iyo horumarinta degmooyinka   .

 

Wasiirka maaliyada maamulka Jubaland mudane  Cabdirshiid Jire Qalinle iyo wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Jubaland  Maxamed Warsame Darwiish  ayaa kamid ahaa mas,uuliyiintii la kulantay wax garadaka Jublanad  ,wuxuuna wasiirka maaliyada dhankiisa uu balan in degmada Afmado ay  ka hirgalin doono Xafiisyo lagu qaado canshuurta degmada .

 

Madaxweynaha Jublanad Axmed Madoobe ayaa maalmo ka hore waxa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab isgaoo ku booqday ciidamada xeryahooda .

Axmed Madoobe ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in aysan wax taageero ah ka siinin dagaalka lagula jiro Argagixisada ,balse Jublanad ay isku tashan doonto .

Sawiro.

 

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com