Jokob Zuma oo ku baaqay in la joojiyo Colaadaha looga soo horjeedo Ajaanibta ee Koonfur Afrika

Jimco, Abriil 17, 2015 (Daljir) —Madaxweyne Jokob Zuma oo qudbad ka jeediyay Baarlamaanka Dalka Koonfur Afrika Ee Magaaladda Cape Town ayaa u baaqay in la joojiyo Rabshadaha isir neceybka ku saleysan ee lagu haayo Dadka ajaanibta ah.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jokob Zuma ayaa sheegay iney soo arkeen Shilal laga naxo iyo kuwa aan la aqbali karin oo lagu bartilmaamedsaday Dadka Afrikanka ah ee ku sugan Koonfur Afrika.Ugu yaraan Lix ruux ayaa ku dhimatay Rabshadaha Koonfur Afrika Labadii Toddobaad ee la soo dhaafay.Rabshadaha ugu xoogan ayaa ka jira Magaaladda Durban,Johannesburg iyo Magaalooyin kale.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com