Jigjiga oo bandow dahsoon saaranyahay bannaanbaxna laga ilaalinayo

Jigjiga, Caasimada Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), ayaa maanta la ciirciireysa ciidanka koofiyad casta ee Liyuu Booliska, una muuqata bandow dahsoon oo magaalada lagu soo rogey.

Ciidan guuto-guuto ah ayaa gaafwareegaya gudaha iyo daafaha Jigjiga, shacabkana ku abuuray argagax, caqabdna ku ah isku xidhka magaalada.

Laakiin su’aasha taagan oo galabta shacabka Jigjiga isweydiinayaan ayaa ah: “maxaa sababay bandoowga dahsoon ee Jigjiga?”

Sida muuqata, saraakiisha ciidamaduna ay caddeeyeen, ciidanka ayaa amar lagu siiyey in aan cidina ka bannaanbixi karin masaajidada lagu gubay kililka Amxaarada, ciddii bannaanbaxdana tallaabo cad ay ciidamadu ka qaadi doonaan.

Saas oo galabta xaalka Jigjiga yahay, haddana magaalooyin badan oo kamid ah dalka Itoobiya oo ay ugu horreyso caasimada Addis Ababa waxaa ka socda banaanbaxyo lagaga soo horjeedo masaajidada lagu gubay kililka Axmaarada, lamana yaqaan sababta rasmiga ee ka danbeysa amarka lala beegtay Soomaalida Dowlad Deegaanka ahna in aan shacabka Jigjiga iskugu soo bixin karin bannaanbax looga soo horjeedo masaajid gubka ka socda kililka Amxaarada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com