Jigjiga: Madaxweynaha Dowlad deegaanka oo la kulmay gudiga ka hortaga COVID19 (Sawiro)

Jigjiga: Madaxweynaha Dowlad deegaanka oo la kulmay gudiga ka hortaga COVID19 (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) Mustafe Muxumed Cumar ayaa kulan layeeshay gudiga ka hortaga xanuunka COVID19 ee heer deegaan, Kulankan waxaa qayb ka ahaa kuxigeenka madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mudane Ibraahim Cismaan.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in dadaal adag lagu bixiyey sidii bulshada looga badbaadin lahaa cudurka COVID19, dadaalka loogu jiro xakamaynta xanuunka Caronavirus ayaa waxaa kaalin wanaagsan ka qaatay xafiiska Nabad-Gelyadda ee Dowlad Deegaanka Soomaalida kaasoo si rasmi ah u hirgeliyey intii Hay’adaha Amniga ka khusaysey xakamaynta xanuuunka.

Ugu danbayn Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sheegay in lasii dardar gelin doono halganka loogu jiro ka hortaga iyo xakamaynta cudurka Caronavirus oo xiligan weli ku dhex faafaya bulshada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com