Jawaari oo Muqdisho ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Somaaliya

Guddoomiyah Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah danjirayaasha Waddamada Caalamka u jooga Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulanka ugu horreeyay la qaaday Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bakar.

Bakar iyo jawaari ayaa isla soo qaaday xiisadda siyaasadeed ee hadda ka jirta Soomaaliya,waxaana ay islama meel dhigeen qodobo la isku dayayo in xal looga gaaro khilaafka hadda taagan.

Dhinaca kale Guddoomiye Jawaari ayaa la kulmay siihayaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Martin Dale,waxanaa ay sidoo kale isla soo qaadeen khilaafka ka dhex taagan laamaha xeer dejinta iyo fulinta ee dowladda Soomaaliya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com