Jawaari oo la Canbaareeyay

Sabti, Janaayo 09, 2016 (Daljir) —Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu kamid yahay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa ku sugnaayeen 24 saac ee la soo dhaafay  magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaa  ka warbixiyeen kulamo ay la yeesheen mas’uuliyiinta Ahlusuna ee maamula deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dhuusa mareeb waxaa uu kulan la yeeshay qeybaha bulshada sida odayaasha iyo  maamulka Ahlusuna.

Kulamadaasi markii ay soo idlaadeen ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay guddoomiyaha Baarlamaanka   iyo Madaxweynaha qaybta Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in dadaalada nabadeed uu wado guddoonka Baarlamaanka ay soo dhoweynayaan.

Sheekh Shaakir ayaa intaa raaciyay in xubnaha Baarlamaanka ay u soo jeediyeen in ay ka ogolaadaan in ay wixii dowladda federaalka ka tabanayaan ay ayagu kala hadli doonaan, isla markaana ka Ahlusuna ahaan ay soo jeedinkaasi ka gudoomeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa dhankiisa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu markasta u taagan yahay ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo Ahlusuna ugu mahadceliyay sida wanaagsan oo ay ugu ogolaadeen codsigii ay u jeediyeen.

 

Maamulka Gal-mudug ayaana Cambaareeyey Booqashada uu Jawaari u tagay Dhuusamareeb,waxayna sheegeen inay tahay mid lagu carqaladaynayo xasiloonida iyo Nabada Gal-mudug.

Gal-mudug iyo Ahlusuna ayaa isku haysta ka talinta Gal-mudug waxaan deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ka arimiya Alusuna oo Madaxweyne u doortay Shiikh Shaakir.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com