Jawaari oo Kulan ka Dalbaday Xildhibaanada Mooshinka wada

Talaado, Oktoobar 13, 2015 (Daljir) —Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lagu wadaa inuu maanta kulan la qaato Xildhibaanada Mooshinka ka wada madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana sheegay in ay diidan yihiin ka qeyb galka Kulanka Wada Xaajoodka Siyaasada Dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dhamaan Xildhibaanada Mooshinka wada ugu yeeray in ay ka soo qeyb galaan Kulanka si looga hadlo Qodobo ka mid ah Mooshinka ay wadaan.

Maxamed Sheekh Cismaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu qabtay Mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya 12-kii August waday Dadaalo uu ku xalinayo Mooshinka qaar kamid ah Xildhibaanada ay ka keeneen Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

By:Jaamac Abdurhaman

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com