Jawaari oo Digniin u Diray Xildhibaanada aan Soo xaadirin kalfadhiyada

Axad, Oktoobar 25, 2015 (Daljir) —Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan oo maanta hadal ka jeediyay Xafladii Furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka ayaa Digniin u diray Xildhibaanada ka midka ah Baarlamaanka islamarkaana aan soo xaadirin Kulamada Golaha uu yeesho.

Maxamed Sheekh Cismaan Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay in lala Xisaabtami doono Xildhibaanadaasi islamarkaana aan laga Aqbali doonin Maqnaashahooda sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo hadal qaaday Sharciyada Muhiimka ah ee Baarlamanka u harsan islamarkaana la doonayo in lagu soo gaba gabeeyo Kalfadhiga 7aad ee maanta Furmay.

Waxaana kamid ah Sharciyadaasi,Sharciga Qandaraasyada iyo iibka, Sharciga Saxaafada,Sharciga Asxaabta Siyaasada,Sharciga Sharciga ka hortaga Lacagaha Been Xalaaleynta,Xisaab Xirka 2014, Sharciga Ansixinta Guddiga Adeega Garsoorka,Sharciga Nidaamka Jamhuuriyada,Sharciga Nidaamka Xukumadda iyo kuwo kale oo badan.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com