JAWAARI: Maamul Goboleedyada dalka ka jira Looguma yeeri karo Dowlad-Goboleedyo

Khamiis, May 14, 2015 (Daljir) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in aan maamulada dalka ka jira aan loogu yeerikarin dowlad goboleed, ilaa uu Baarlamaanka ka ansixiyo.

Hadalkan ayuu shalay ka sheegay kulan uu Baarlamaanka ku yeeshay xarunta Golaha shacabka, waxaana uu tilmaamay in shuruucda dalka aysan waafaqsaneyn in maamulo KMG ah loogu yeero dowlad Goboleed.

“Waxaa maqlay dad dhahaya dowlad goboleed, ma ahan dowlad Goboleed ee waa Maamulo KMG ah, dowlad goboleed waxaa noqon kara Maamul ka taliya labo gobol iyo wixii ka badan oo uu Baarlamaanka ansixiyo”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Jawaari ayaa sheegay in aysan aheyn in dadka isku qaldan Maamul KMG iyo dowlad goboleed, waxaana uu xusay in shuruudaha dowlad goboleed ku noqon karto ay tahay marka uu Baarlamaanka ansixiyo iyo inuu yahay Maamul labo gobol ka badan.

By: Maxamed Xalliye 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com