Jasiirada Malta oo dhaqaale kaga qeyb-qaadanaysa taageerada dib-u-dhiska Soomaaliya ee caalamka

Brussels, September 13, 2013 – Jaziirada Malta ayaa shaacisay in ay Soomaaliya ku caawinayso dhaqaale saddexda sano ee soo socota, dhaqaalahaas ayaa qeyb ka noqonaya qorshaha dib-u-dhiska iyo taageerada ah ee caalamku ugu ku yaboohayo Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha debeda ee dalka Malta Goerge Vella oo ka hadlayey xaalada Soomaaliya ayaa sheegtay in saddexda sano ee socota ay dowladda Malta siinayso ?Soomaaliya ?50,000 (Konton kun oo EURO), waxay qeyb ka tahay qorshaha Malta ee Soomaaliya.

? Malta waxay taageeri doontaa Soomaaliya si loo hiigsado mustaqbal wanaagsan oo dalku yeesho, taageerada caalamiga ah ee aduunka ayaan ku dari doonaa dhaqaalaha aan ugu talo-galnay? ayuu yiri Goerge Vella.

Afhayeen u hadlay mucaaradka Malta waaxdooda arrimaha debeda oo la yiraahdo Carm Mifsud, wuxuu sheegay lacagta uu ka dhawaajiyey wasiirka in ay tahay mid aad u yar marka loo eego xaalada ka jirta Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in dowladda Malta ay kaalin weyn ka qaadato xaalada Soomaaliya.

Isniinta 16 september magaalada Brussels waxaa ka furmaya shirka qorshaha hiigsiga dowladda Soomaaliya ee la yiraahdo New deal, kaas oo dowladda Soomaaliya ay ku soo bandhigayso qorshaheeda horumarinta dalka, iyadoo kadib caalamka laga codsan doono in ay dhaqaale ugu deeqaan Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com