Jarmalka oo joojiyay mashruuc lagu dhisi lahaa Isbitaalka Garoowe oo ku kacayay 30-Milyan oo doolar

HomeWararka

Jarmalka oo joojiyay mashruuc lagu dhisi lahaa Isbitaalka Garoowe oo ku kacayay 30-Milyan oo doolar

Dowladda Jarmalka ayaa Puntland kala laabatay mashruuc weyn oo lagu dayac tiri lahaa isbitaalka Garoowe. Wasiirka caafimaadka Puntland Jaamac Faara

Bandow xalay ka dhaqan galay guud ahaan Puntland (dhegayso)
Dulimaadyadi caalamiga ahaa oo maanta si rasmi ah u furmay
Caawa & Daljir iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Doolow (dhegayso)

Dowladda Jarmalka ayaa Puntland kala laabatay mashruuc weyn oo lagu dayac tiri lahaa isbitaalka Garoowe.

Wasiirka caafimaadka Puntland Jaamac Faarax oo Garoowe kula hadkay Warbaahinta ayaa waxa uu yiri:

“Jarmalku waxay nagula garnaqsadeen haddii aad dhismihii hore waxba ku qaban waydeen, muxuu tarayaa mid cusub? anaguna jawaab arintaas waanu u weynay”.

Wasiirka ayaa sheega in dood dheer kadib dowladda Jarmalka ay ka ogolaatay dhaqaale ka yar midkii horay loogu qorsheeyay in lagu dayac tiri doono Isbitaalka Garoowe.

Jarmalka ayaa horay ugu balan qaaday Puntland in Garoowe laga dhisi doono Isbitaal wayn oo lacag ahaan ku kacaya 30-Milyan oo dollar, balse mashruucaasi uu hadda noqday mid fashilmay.

Jarmalka ayaa horay u joojisay maalgelinta waddada isku xirta Gaalkacyo & Garoowe, kadib markii lagu eedeeyey in uu hadheeyey masuq-maasuq.

Xasan Heykal Daljir Bosaaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Mohamed sulub 5 years ago

    Dhibatada musuq masuqu leyahay wa midan oo kale,bal waxad Egtan dhibka uu kenay musuq musuq,30 milyan ayu sejiyey,waxa kale oo ka sii daran magac xumada uu reebay.

DISQUS: