Jarmalka oo $32 Milyan Euro ugu deeqaya Somaaliya

Jarmalka oo  $32 Milyan Euro ugu deeqaya Somaaliya

Dowladda Jarmalka ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday balanqaadkeeda ah 32 Milyan oo Euro oo ay ugu tala gashay Soomaaliya, si ay ugu taageerto shaqada kaabayaasha Soomaaliya.

Lacagtan ayaa Dowladda Soomaaliya loo soo marsiinayaa Bankiga Adduunka, gaar ahaan qeybta Jarmalka oo lagu magacaabo Multiple Partner Fund (MPF), taasi oo gacan ka geysanaysa xoojinta kartida degaanka iyo kartida hirgelinta si loo hagaajiyo helitaanka kaabayaasha aasaasiga ah ee Soomaaliya.

Madaxa Iskaashiga horumarinta Maalgashiyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Jarmalka Marius Rau ayaa sheegay ayaa sidoo kale lacagtan in loogu tala galay koritaanka magaalooyinka, horumarinta xaaladaha nololeed ee muwaadiniinta Soomaalida iyo arrimo kale.

“Bangiga Adduunka ee doorka ka ah Soomaaliya wuxuu ku saabsan yahay in la shaqeeyo iyo iyada oo loo marayo xukuumadda iyo dhisidda awoodda masuuliyiinta si ay u xoojiyaan dib-u-habeynta iyo horumarka.” Ayuu yiri Marius.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo arrintan si kooban uga hadlay ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in ay u mahadcelineyso Jarmalka oo markale qaaday talaabo wanaagsan oo horumar u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com