James Swan oo dowladda Kenya kala hadlay Amniga Soomaaliya

James Swan oo dowladda Kenya kala hadlay Amniga Soomaaliya

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa uu kulan kula qaatay Xoghayaha arrimaha difaaca dalka Kenya, Monica Juma.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen xaalada amni ee dalalka Geeska Afrika gar ahaan Soomaaliya maadaama dowladda Kenya ay Ciidamo farabadan ka joogan meelo kamid ah Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha difaaca dalka Kenya, Monica Juma oo qoraal soo dhigtay Barteeda twitterka ayaa sheegtay in Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan ay is dhaafsadeen qaababka loo xoojin karo iskaashiga amniga gobolka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa dhawaan socdal ku tegay qaar kamid ah dalalka Carbeed ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya gar ahaan Sacuudiga & Imaaraadka, isaga oo kala hadlay arrimaha amnga & doorashada Somaaliya.

Socdaalka Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan uu ku tegay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan xal laga gaaray khilaafkii diblumaasaiyadeed ee u dhaxeeyay Soomaaliya & Kenya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com