Jamciyad Khayri ah oo Gaalkacyo looga Dhawaaqay

Sabti, Octobar 03, 2015 (Daljir) —Jimciyad la yiraahdo Al-Xikmah ayaa shalay lagu daah furay magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug, waxana munaasibadaasi daahfurka ah kasoo qayb galay Qaar ka mid ah Isimadda Gobalka Mudug, Ganacsato iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyntii daahfurka ururkan waxaa ka hadlay Agaasimaha Jimcadda Al-Xikma oo isla ahaa firkada lagu Maxamud Cabdi Yare waxa uu sheegay ururkan inuu qaban doonto waxa uu ku sheegay hadalkisa inay gacan wayn ka gaysan doonto dhisida masaajid, ceelal biyood ,wax ka qabashada arrimaha Waxbarashada, Agoomaha ,Fidinta Dacwada Iyo Kaalmada Dadka Tabaalaysan.

Intaa kadib waxaa hadal dhiiro gelin iyo amaan jeediyay Cumar Cabdulle “Cumar dheere” oo afka ganacsatada ku hadlay waxaana uu sheegay in jimciyaddan howlaheeda ay tusaale fiican u tahay howlaha ay qabato Idaacada quraanka Kariimka Alxikmah Oo Dhamaan Soomaaliya Ka Howlgasha Isla Markaana Xarumo Kor U Dhaafaya 16 Xarumood ka hirgelisay soomaaliya.

Cabdiqadir Maxamuud Shoole oo ka mid ahaa Aqoonyahankii ka qaybgalay Xafladda Daahfurka Jmiciyadda Khayriga AlXikmah Ayaa Hadalkisa Ku Koobay Laba Arrimood oo kala Ah Dardaaran Iyo Duco Waxaana Laga Xusi kara Dardaarankisa In Jimciyaddan Cusub Ay u baahan Tahay Howlwadeeno Xafidi kara Kaalmo Walba Oo Ku Socoto Meelaha loogu talagalay Waxaana ugu Duceeyay in Illahay ka Dhigo Mid Anfacda Umadda waxaana uu aad ugu amaanay Mudadi ay jirtay idaacada quraanka kariimka alxikmah in laga hirgaliyay 16 magaalo.

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac Ayaa Soo Dhoweeyay jimciyaddan Khayriga Ah ee Al-Xikmah Waxaana Howlwadeenada Ku Fekeray Uga mahadceliyay sida bulshada ay ugu heelan yihiin inay uga adeegaan waxaana uu hadalkisa ku daray umadda oo loo adeego inay tahay muhiimad koowaad waxaana dhamaan kaso qaybgalayasha uga dalbay in la garab istaago waxaana uu hoosta ka xariiqay jimciyaddan in lagu dhisay baaq ka yimid bulshada qaybaheeda kala gedisan.

Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo ka mida Isimada Gobolka ayaa sheegay in aayaha umadda oo kheyrka looga shaqeeyo ay tahay wax aan marnaba la hakin Karin Isimada waxa ay har iyo habeen u taagan yihiin Aayaha umadda sidoo kale buu yiri bulshada dhaxdeeda waxaa ku jiro haldoor umadda u adeegaya oo u baahan in la taageero.

Imaam C/wahaab Maxamuud Gurey Oo Ka mid Ahaa isimadii ka Qaybgalay Xafladdan Ayaa Ku Dheeraaday Hadal uu ka Jeediyay Hoolka Uma Salama Oo ay xafladdu ka dhacaysay Waxana uu Xusay In Xilligan Loo baahan Yahay Jmiciyaddo Wax ka Qabta Howlaha Samafalka Waayo Buu Yiri Dadka Alle Wax Uu Dhiibay Waxay U Baahan Yihiin Gacmo aamin Ah oo ay Wax Soo mariyaan Howshana Waxay wax wayn ka Taraysaa In la Helo dad u dhaxeeya Kan Wax la Baxaayo iyo kan lagu Bixinaayo.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com