Jamal Khashoggi wuxuu kashifay in International TV uu Sucuudigu maalgaliyey waana sabata loo dilay

Jamal Khashoggi wuxuu kashifay in International TV uu Sucuudigu maalgaliyey waana sabata loo dilay

Jamal Khashoggi oo horraantii bishii Aktoobar lagu dhexdilay, jirkiisiina lagu dhex jarjaray qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbuul baa jaraa’idka Guardian ee ka soo baxaya magaalada London waxa uu shaaciyey sababta loo dilay Jamal Khashoggi.

Jamal ayaa joornaalka Guardian waxa uu qoray in uu kashifay in Amiir Maxamed bin Salmaan, soddon jirka ahna dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudigu, uu yahay shakhsiga ka danbeeya maalgalinta Internationl TV. International TV waxa uu ku yaal London waana TV shaaciya warar, faallooyin iyo fikrado lid ku dowladda Iran.

Waxaa xusid mudan in dhawaan markii argagixisadu ay weerartay magaalada Ahvaz ee dalka Iran in International TV uu waqti badan waraystay afhayeenka ururkii argagixisada ahaa ee weerarka ka danbeeyey.

Afhayeenka aragagixisada weerartay Iran oo magaciisu ku sheegay Yacquub Hor al-Tostari ayaa ammaanay weerarka lala beegsaday magaalada Ahvas laguna dilay dhowr iyo toban qof.

International TV ayaa hore loo shaaciyey in ay dowladda Sucuudiga sannad walba ka helaan lacag dhan $250 milyan oo doolarka Mareykanka ah. Qorshaha loo aasaasay oo dhanna wuxuu yahay baa hore loo shaaciyey in ay abuuraan kacdoon ka dhan dowladda Iran.

Saas oo ay tahay joornaalka Guardian hore uma uu shaacin cidda sheegtay in International TV uu yahay mid ay dowladda Sucuudigu gadaal ka riixayso. Laakiin maanta waxaa barta Twitterka uu qorihii maqaalkaas ku shaaciyey in Jamaal Khashoggi uu labadii Aktoobar u sheegay in Amiir Maxamed bin Salmaan ka danbeeyo maalgalinta International TV. Isla maalinkaas waxaa Jamaal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.

Dowladda Sucuudiga ayaa markii hore si toos u beenisay dilka Jamaal Khashoggi ayada oo afhayeen u hadlay uu yiri, “Jamaal waa soo galay qunsuliyadda, hawshiisii buu dhammaystay, waana baxay.”

Laakiin dowladda Turkiga ayaa Sucuudiga saartay cadaadis adag ayada oo sirdoonka Mareykanka la qaybsatay caddaymo muujinayo in Jamaal qunsuliyadda dhexdeeda lagu dilay. “Waxaad maqlaysaa codkiisa iyo codad kale oo af Carabi ku hadlaya oo ku bilaabmaya asaga oo loo waraysnayo sida danbiilihii; waxaa ku xiga codad asaga oo la jirdilayo oo si xun loo ciqaabayo; waxaana maqalku ku dhammaanayaa asaga oo si naxariista ka reebban loo dilayo,” ayuu yiri qof dhegaystay maqalka lala wadaagay sirdoonka Mareynkanka.

Dowladda Sucuudiga ayaa markii danbe qiratay in Jamaal Khashoggi uu u dhintay si kama ah oo aan ulakac ahayn, una dhintay waraysi xumaaday oo ay qaadayeen 15 sarkaal oo Sucuudiga laga soo diray.

Laakiin Turkigu saas ugama harin ee wuxuu sii shaaciyey caddaymo muujinaya in si ula kac ah loo dilay Jamal Khashoggi laguna dilay amar sare ka yimid, laakiin uusan ahayn amar uu bixiyey ama wax ka ogyahay Boqor Salmaan. Boqor Salmaan ayaa asagu da’ ah horena waxaa wargeysyada adduunku shaciyeen in uusan waxba kala socon siyaasaadda Sucuudiga oo xataa aan loo ogalayn in uu arko xaaskiisa oo ayana da’ ah, laakiin sida la sheegay ka miyir fiican Boqorka.

Mar kale 20kii Aktoobar ayaa hadana Sucuudiga waxa ay badaleen sida loo dilay Jamaal ayaga oo sheegay in Jamaal Khashoggi uu u geeriyooday si kama ah kaddib markii asaga iyo saraakiil Sucuudi ahi uu dagaal ku dhexmaray gudaha Qunsuliyadda.

Sacuudiga ayaa sheegay in illaa 18 qof loo xiray arrintan, isla markaana uu socdo baaritaano dheeraad ah.

22kii Aktoobar waxaa sii cuslaaday cadaadiska Turkigu ku hayaan Sucuudiga si loo helo cidda ka danbaysey dilka Khashoggii ayaa waxaa uu joornaalka dowladda Turkiga ka agdhow ee Yeni Safak faafifay in ugu yaraan afar jeer uu Amiir Maxamed bin Salmaan la hadlay qunsuliyadda Sucuudiga, mar kamid ahna uu si toos ah ula hadlay Jamal Khashoggi.

Warbixinta joornaalka Yeni Safak ayaa lagu sheegay in markii uu Jamaal soo galay qunsuliyadda Sucuudiga uu isla markiiba soo wacay Amiir Maxamed bin Salman. Amiirka ayaa ku amray Jamaal in uu Riyadh ku soo laabto, lana soo laabto tiimka khaaska ee uu soo diray oo watay laba diyaaradood oo khaas ah.

Jamaal waa uu diiday amarka Amiirka iyo in uu Riyadh ku soo laabto asaga oo ka cabsi qaba in haddii uu Riyadh ku noqdo isla markiiba la dili doono. Diidmadaas kabacdi waxaa Jamaal ku biloowday Ciqaab. Illaa iyo intii ciqaabtu socotana Amiir Maxamed waxa uu saraakiisha Jamaal ciqaabaysa la hadlay illaa 3 jeer oo kale.

Ciqaabaha Jamaal loo gaystay waxaa ugu horreeyey faraha oo la jaray. Sidaan wararkeennii hore ku sheegnayna mid kamid ah saraakiisha Jamaal dishay waxa uu watay miishaar uu diyaaradda khaaska ah kala soo degay, waana isla miishaarta sirdoonka Turkigu ay sheegeen in loo adeegsaday jarjarka Jamal Khashoggi.

Farajar kabacdi markii Jamaal laga maarawaayey waxaa loo qaaday qolka shirarka, waxaana la dul saaray miiska weyn ee shirarka. Miiskaas baa Jamaal markii ugu horraysay madaxa la gooyey. Markii xigteyna jirkiisa xubin-xubin loo jarjaray.

Illaa iyo intii ay ciqaabtu ku socotay Jamaal sida laga soo xiganaya sirdoonka Turkiga, Amiir Maxamed bin Salmaan waxa uu tallaabo-tallaabo ula socday ciqaabaha la marinayey Jamal Khashoggi.

Sucuudiga oo hadda adduunku saaray cadaadis adag ayaa waxa ay sheegeen in ay xirxireen saraakiishii ka danbaysay dilka Khashoggi, ayna wadaan baaritaan.

Dowladda Turkigu ayaa Sucuudiga ku eedaystay in Sucuudigu aysan waxba baareyn ee ay wadaan maaweelo, maxaa yeelay haddii baaritaanku dhab ka yahay ha soo celiyeen dhammaan 15kii sarkaal ee Istanbuul yimid oo Jamaal dilay si Turkigu loogu maxkamadeeyo.

Dowladda Sucuudiga ayaa codsiga Turkiga si toos ah u diiday.

Warbixin an ka diyaarinay Wararkii ugu dambeyeey ee khashoggi halkan kadaawo

Daljir kala soco wararkii ugu danbeeyey ee dilka Jamaal Khashoggi iyo baadigoobka ciddii bixisay amarka Jamaal lagu dilay.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com