Jaamacadda Gollis, Kulliyadaha Gollis, Masawirada Gollis University, Hargeysa – Warbixin Radio Daljir

Jaamacadda Gollis, Kulliyadaha Gollis, Masawirada Gollis University, Hargeysa –  Warbixin Radio Daljir

Jaamacadda Gollis (Gollis University) oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, laamana ku leh Somaliland iyo Puntland, kana mid ah Jaamacadihii ugu horreeyey ee laga hirgeliyey Somaliland,  waxaa la asaasay sannadkii 2005. Jaamacadda ayaa ka kooban kulliyado kala duwan oo arday aan yaraynna ay ka qallin jabiyeen, kuwaasi oo badankoodu helay fursado shaqo oo dalka gudihiisa ah, waxaana kulliyadaha Jaamacaddu iskugu jiraan kuwo lagu asaasay Jaamacadda iyo kuwo xilliyo dambe la sameeyey.

Kulliyadda Injineeriyadu waxay ka mid ahayd kuuliyadihii lagu asaasay Jaamacadda Gollis, waxaana ka qallin jabiyey dhawr dacfadood.

Maxamed Jaamac Cali oo ku magacdheer (Xaaji Cali) waa Madaxa kuuliyadda Injineeriyada ee Jaamacadda Gollis, waxaana wareysi uu siiyey Radio Daljir uu uga hadlay arrimo dhowr ah oo kuuliyadda iyo asaasitaankii Jaamacadda la xiriira.

Cabdifataax Cumar Geeddi ayaa xafiiskiisa Hargeysa ee Kulliyadda Injineeriyada ku wareystay, waxaana uu marka hore ku bilaabayaa magaciisa iyo mansabkiisa xileed.

Hoos ka dhegayso

Masawirada Jaamacadda Gollis iyo qaybaheeda kala duwan hoos ka daalaco

1. Madaxda Jaamacadda

 

>>> Arag hoos iyo bogagga XIGA, Bogga 2, 3, 4, iyo 5 >>>

PAGES

1 2 3 4 5

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com